Sawirro:-Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Soobe Oo Goordhow Loo Qaaday Turkiga

0

Goordhow waxaa Garoonka Diyaaraha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka duushay Diyaarada siday qaar ka mid ah dadkii ugu darnaa eek u dhaawacmay qaraxii Maalin ka hor ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa waxa ay ka timid dalka Turkiga iyada oo ay la soceen Dhaqatiir u dhalatay dalkaasi, waxaana Garoonka ku sugnaa oo sagootiyay dhaawacyada masuuliyiin uu horkacayo Ra’iisul Wasaare xasan Cali kheyre Wasiiradda Arrimaha Dibad aiyo Warfaafinta.

Ku dhawaad 40 Ruux ayaa Diyaaradaan ay qaaday waxana la sheegay in qof walba uu raaci doono hal qof oo ehelkiisa ah tanina waxa ay qeyb ka tahay Turkiga oo ka jawaabayay codsi ay u direen Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.

Dadka la qaaday waxaa ka mid ah Wariye Cabduqaadir Ok oo ka mid ah Wariyaasha Muqisho uga warama Idaacadda Voa,da.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

Ambalaasyo Keenay Dhaawacyo
Ambalaasyo Keenay Dhaawacyo
Ambalaasyo Lagu Keenay Dhaawacyadda
Ambalaasyo Lagu Keenay Dhaawacyadda
Dhaawacyadii Oo La Qaadayo
Dhaawacyadii Oo La Qaadayo
Dhaawacyo Laga Dajinayo Ambalaasyo
Dhaawacyo Laga Dajinayo Ambalaasyo
Diyaaradda Dhaawacyada Qaaadaysa
Diyaaradda Dhaawacyada Qaaadaysa
Masuuliyiin Dowladeed Oo Sagootinaya Dhaawacyada
Masuuliyiin Dowladeed Oo Sagootinaya Dhaawacyada

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.