Meydad hor leh oo Maanta laga soo saaray Dhismeyaashii ku Bur-buray Qaraxii Zoobe

0

Wararka aan ka heleyno Goobtii uu ka dhacay Qaraxii Zoppe ee lagu Xasuuqay Dadka Rayidka ah ayaa sheegaya in Maanta Meydad hor leh laga soo saaray Goobtaasi, islamarkaana weli ay socdaan Baadigoobka loogu jiro Dad laga cabsi qabo in weli ay ku hoos jiraan Dhismeyaasha Dumay Hoostooda.

Illaa 6 Qof oo Meyd ah ayaa la sheegay in Saakay illaa Maanta laga soo saaray Guryaha Dumay Hoostooda, Waxaana weli socda Dadaalada lagu raadinayo in dad kale ay ku hoos jiraan Dhismeyaasha Dumay.

Qaraxii ka dhacay Soobe oo ay ku dhinteen in kabadan 300 oo Qof ayaa marba marka ka dambeysa waxaa soo kordhaya Tirada dadka Shacabka ah ee ku dhintay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.