Dowladda Qadar Oo Jahwareerinaysa Qarixii Shalay Shacabka Lagu Xasuuqay ee KM5.

0

Musiibada Muqdisho ka dhacday waxaa lagu gumaaday boqolaal Soomaali ah, waxaa ku dhaawacmay boqolaal kale, hanti malaayiin dollar ah ayaa ku burburtay. Wuxuu ahaa qaraxii ugu waynaa uguna khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca.

Taleefishinka Caalimiga ah ee Aljaziira wuxuu isku dayay in uu indhaha caalamka ka leexiyo Alshabaab. Wuxuu daabacay sidatan:-

Aljazeera Sax

Bayaan ay soo saartay Dawlada Qatar waxaa lagu sheegay in sii hayaha Safaarada uu bedqabo, wax dhib ahna uusan soo gaarin.

Marna Ururka Alshabaab laguma sheegin bayaankaas, Mana aysan cambaarayn falkaas waxshiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa isna Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in la bartilmaameedsaday Safaaradooda, taasoo been abuur wayn ah.

Wasiirka Dibada Qatar

Saacado ayey qaadatay in Madaxweyne Farmaajo lagu qanciyo inuu musiibada ka hadlo.

Siday xaqiijiyeen ilo ka tirsan Madaxtooyadda waxay  madax ka tirsan Villa Somalia  ku doodeen in aan loo baahnayn ka badbadin iyo buunbuunin lagu sameeyo wixii dhacay , oo aysan ka duwanayn wixii dhici jiray, Isla markaana aysan muhiim ahay in Madaxwaynuhu ka hadlo.

Ugu danbayntii cadaadis dhinacyo kala duwan ka yimid iyo madaxdii maamul Goboleedyada oo arrinka ka hadlay ayaa ku qasbay in Madaxweyne Farmaajo uu hadlo, Laakiin Waxay shakhsiyaadkaasi diideen in xaalada xajmigeeeda lagu wajaho sida:

In la qabto shirka Golaha Amniga Qaranka,

Shir degdeg ah la iskugu yeero madaxda Goboladda,

Qaylodhaan Caalami ah in la jeediyo, iyo waxyaabo kale.

Rooboow

Waxaa kaloo wax lala yaaba ah in loo isticmaalo Dacaayad Mukhtaar Rooboow oo dhiig u shubaya Dhaawacyadda, lana hor keeno Warbaahinta, iyadoo la ogyahay inuu ahaa Hogaamiye Xigeenkii Alshabaab waqtiyo ay dhaceen Weeraro aan ka saamayn yarayn Kii Sabtidii, Sida Weerarkii Hotel Shaamoow, Kii Hargaha iyo Saamaha iyo kuwo kale.

Maskaxdii ka dambaysay Weerarkii Ardayda iyo Dhaqaatiirta lagu laayay ee Hotel Shaamoow, Wuxuuna markaasi ahaa Hogaamiye Ku Xigeenka Kooxda iyo Afhayeenkanalaka dhaadhiciyo in Mukhtaar roobow oo aan canbaaraynin qaraxii dhiiga shubayo.

Kaaga Daranee Rooboow waxa uu Iclaamka ka sheegay inay been tahay Qaraxan inay ka dambaysay Shirkadda Black Water oo aysan jirinba cid horay ugu eedeeysan, Marka ma isagaa diraya fariin ah in lagu eedeeyo Shirkadaasi Qaraxa, Yuuse u jawaabayay oo Shirkadaasi eedeeyay,? 

Safiirka Uk

Qorshayaasha Qatar iyo Somalia 

 

Dhinaca kale, Waxaa sugan in Shirkad uu leeyahay nin ka mid ah madaxda sare ee Madaxtooyada ay ku hawlan tahay qorista 3000 ruux oo Soomaalia ah oo loo qaadayo Dalka Qatar si ay askar u noqdaan. Waxaa yaab leh Qatar oo ay ku sugan yihiin madaxda Alshabaab, caruurtooda degan yihiin, taageero dhaqaale iyo dacaayad iclaami ah siisa Alshabaab in Maanta uu u afduuban yahay go’aanka Soomaaliya.

Shacab ka Soomaaliyeed Waa in ay indhaha kala furaan kuna baruurugaan shirqoolka Alshabaab loogu hoosaasinayo, kana digtoonaadaan Dowladaha taageersan Alshabab sida Qatar oo kale iyo dadka u shaqeeya ee maamulka Dalka haya.

U Gaar ah HornAfrik

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.