Daawo Muqtaar Rooboow Oo Ku Eedeeyay Alshabaab inay ka dambeeyeen Qarixii Zoppe.

0

Hogaamiye Xigeenkii Hore ee Alshabaab, Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Shir Jaraaid ku qabtay Xarunta Ku Meel Gaarka ah ee Gurmadka Musiibaddii Qarixii Zoppe ayaa ku eedeeyay Kooxda Alshabaab inay masuul ka yihiin wixii ka dhacay KM5. isagoona meesha ka saaray in shaki la galiyo Masuuliyadda Kooxda ee Qaraxaasi.

Rooboow waxa uu diiday in lagu eedeeyo Shirkado iyo Dowlado Shisheeye Qaraxan, isagoona sheegay in la heli garo Qalab iyo Dhaqaale Qarax loo isticmaalo, balse cidda  kaliya ee heli karta qor is qarxiya ay tahay Kooxda Alshabaab, Wuxuuna ugu baaqay Dhalinyaradda ka midka ah Kooxdaasi inay isaga soo baxaan oo ay ka toowbad keenaan Danuubta ay ku jiraan.

Rooboow waxa uu dhinaca kale tagay Isbitaaladda la geeyay Dadkii dhaawacmay, isagoo ku deeqay Dhiig.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.