Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), QM Iyo Maraykanka Oo Cambaareeyey Qarixii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Yuusuf Bin Axmed Cuthaymayn waxa uu si kulul u cambaareeyey Qaraxaasi oo ay 32 qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen tiro kald.

Waxa uu sheegay inay Tacsi u dirayaan Dowladda Somalia iyo qoyaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi, wuxuuna xusay in dad rayid ah lagu dilay qaraxasi.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inay QM cambaaraynayso qaraxyadii shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho.

qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOM) cambaaraynayaan qaraxyadda lala begsado dadka rayidka ee ku nool Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kale oo uu sheegay inuu ka argagaxay Qaraxyadaasi, wuxuuna Tacsi u diray Ehelladda dadkii shalay ku geeriyoday Qaraxyadaasi.

Dhinaca kale, Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay cambaarsay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaynta u tacsideyeen Qoysaskii ay dadka uga geeriyodoeen qaraxaasi.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa isna cambaareeyay Weerarkaasi bahalnimadda ah ee lagu xasuuqay Shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii lagu hoobtay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe oo aheyd meel aad u mashquul ah oo ay ku yaalleen goobo ganacsi iyo hotelo.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid aad looga naxo oo lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

“Waxaa si kulul u cambaareyneynaa qaraxii argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.