Tiradda Dadkii ku Dhintay Qarixii Shalay oo korortay iyo Xildhibaano booqday Isbitaaladda.

0

Inta la xaqiijiyay waxay dhimashadda Qarixii shalay ee KM5 gaartay 300 oo Qofood, iyadoona walina ay jiraan in ku dhow 100 qofood oo Raq iyo Ruux la la’yahay, kuwaasoo ay dadkoodu wali ku mashquulsan yihiin baadigoobkooda.

Burburka Dhismayaasha ayaa wali laga soo daabulayaa Maydad hor leh, Waxaa sidoo kale jira wali dad nool oo ku hoos jira Burburka, kuwaas oo aysan muuqan xal lagu badbaadin karo, Waxaase socda Dadaalo aan kala har lahayn oo ay Dowladda iyo Shacabka ugu gurmanayaan Dadka ay waxyeeladdu gaartay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tagay Saaka Isbitaaladda Muqdisho qaarkood, waxayna halkaasi ku soo arkeen Dhaawacyo farabadan oo gaaraya 136 Qofood, kuwaas oo 30 ka mid ah ay Xaaladooda liidato. Waxay sidoo kale Xildhibaanadan oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Mahad Salaad soo xaqiijiyeen dhimashadda 230 Qofood, kuwaas oo ah Maydadka la geeyay Isbitaaladda Madiino iyo Digfeer, iyadoo ay jiraan Isbitaalo kale oo Maydad la geeyay.

Xarumaha Caafimaadka Isbitaaladda Muqdisho ayaa la tacaalaya Dhaawacyadda oo ka badan awoodooda marka loo eego Qalabka iyo Shaqaalaha ay haystaan, Waxaa soo wajahay Isbitaaladda qaarkood Daawo la’aan, Waxay Sidoo kale Isbitaaladda soo howl galiyeen Dhamaan Shaqaalahooda, iyagoo sidoo kalana ay u yeerteen Shaqaale kale oo Mutadawiciin ah, kuwaas oo caawinaya.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Maxamad C/laahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay Baroor Diiq Qaran oo 3 Maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.