Meydadka illaa 165 ruux oo ku dhintay qaraxii shalay oo galabta la aasay.

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa galabta aasay meydadka illaa 165 ruux, kuwaasoo jirkooda aad u gubtay, lana kala garan waayay, kuwaasoo ku shahiiday qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Meydadkan oo tan iyo xalay la geynayay isbitaalka ayaa ahaa kuwo jirkooda kala maqnaa, waxaana aad u adkeyd in la aqoonsado, iyadoo dad badan oo eheladooda nolol iyo geeri ku la’aa ay aqoonsan waayeen.

Sidoo kale waxaa jiray meydad kale oo dadkooda ay qaateen, kuwaasoo meelo kale lagu aasay, balse tirade galabta la aasay ayaa haaa kuwii jirkooda aad u gubtay ee laga soo qaaday Isgoyska Zoobe iyo dhismayaasha bur buray

Kooxaha gurmadka ayaa wali wada inay baadigoobaan dad la aaminsan yahay inay ku jiraan dhismayaasha bur buray nolol iyo geeri midkii lagu helaba.

Guddiga gurmadka deg dega ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inay soo bandhigaan khasaaraha guud ee qaraxa, waxaana wali la heyn tiro rasmi ah, balse dadka ay si horudhac u sheegayaan in illaa labo boqol ka badan inay dhinteen.

Waa qaraxii ugu weynaa ee Taariikhda ka dhaca magaalada Muqdisho, isla markaana ah kii ugu khasaaraha badnaa abid, waxaana qaraxan uu saameeyay ku dhowaad illaa 500-mitir guryaha ka ag-dhowaa halka uu gaariga isku qarxiyay

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.