Madaxweyne Farmaajo Oo Dhiigiisa Ugu Deeqay Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Soobe

0

Dadkii ku dhaawacmay qarax ii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalada waaweyn ee ku yaalla Muqdisho halka qaarkood ay dhiig la’aan u geeriyoodeen.

Gurmadyo kala duwan ayaa dadkaasi loo fidinayaa iyada oo dadka intooda badan ay dhiigooda ugu deeqeen dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.

Madax iyo Shacab intaba   looma kala harin u gurmadahsada dadkaas, waxaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gaaray Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdishgo isaga oo dhiigiisa ugu deeqay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.

Madaxwayne Maxamad C/laahi Farmaajo waxa uu sidoo kale ku baaqay Dagaal ka dhan ah Alshabaab, isagoo ka codsaday Shacabkana inay garab istaagaan Dowladooda, Wuxuuna iclaamiyay 3 Maalmood oo Baroor Diiq ah. isagoo Madaxwaynuhu ku dhawaaqay in Hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.