Gudoomiye Thaabit Oo Iclaamiyay Banaabax Looga Soo Horjeedo Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

0

Thaabit Cabdi Maxamed gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Maidina oo uu booqday ayaa ku baaqay in Shacabka Muqdisho ay dibadbax dhigaan.

Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay in Galabta Shacabka muqdisho la doonayo in ay dhigan banaanbax ay uga soo horjeedaan kuna cambaareynayaan qaraxii dadka faraha badan ee Shacabka ah ku geeriyoodeen.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay hal meel uga soo wada jeestaan waxa uu ugu yeeray Cadaw oo mar walba dhibaateey Shcabka.

Marka laga soo tago hadalka gudoomiyaha ayaanan jirin cid ilaa iyo hadda cid sirasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.