Warbixin: Qarixii Maanta Nooca uu ahaa iyo Khasaaraha ka dhashay.

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax aad u xooggan oo abaarihii salaadii casirka gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo loo adeegsaday gaari xamuul oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay Isgoyska Zoobe ee KM5.

Qaraxan oo ahaa kii u horeeyay noociisa ayaa geystay khasaare aad u ballaaran oo isugu jira bur bur, dhimasho iyo Dhaawac fara badan.

Illaa 40 ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen, halka 50 kale ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

Qaraxa ayaa dhacay xilli wadada Isgoyska Zoobe ay aheyd mid mashquul ah, halkaas ay ku yaallaan goobo ganacsi.

Baabuur fara badan oo isugu jira kuwa yar, gaadiidka dadweynaha, iyo mooto bajaajyo ayaa ku bur buray qaraxa, Waxaaana la la yahay Raq iyo Ruuq dadkii saarnaa Gaadiidkaas.

Qaraxa waxa uu Dhulka dhigay dhismayaashii ku yaalay Masaafo dhan 4 KM, iyadoo sidoo kalana uu bur bur gaarsiiyay illaa iyo 7 KM dhismayaashii ku yaalay. Waxaase jira Masaafo ka fog Qiyaastaas oo uu gaaray firirka Qaraxa.

Dad fara badan ayaa illaa iyo hadda la la yahay, kuwaasoo la aaminsan yahay inay ku hoos jiraan Burburka Dhismayaasha, Waxaana adag in laga soo hoos bixiyo, iyagoo bad qaba, marka loo eego Qalabka la haysto oo aan saamaxayn inuu illaaliyo Dadka Dhismayaasha ku hoos jira.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho, Thaabit Cabdi ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, Wuxuuna ku tilmaamay wixii dhacay Musiibo Qaran.

Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaan illaa iyo hadda ka hadlin wixii dhacay, Waxaana ay Aamusnaantoodu walaac ku sii abuuraysaa Dadka Soomaaliyeed oo uga fadhiya inay ka jawaabaan wixii Maanta dhacay, Isla markaana qaadaan Tallaabooyin ay kula xisaabtamayaan Hay’adaha Ammaanka.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari nuuca Noah ahaa oo qarax saarnaa, wararka ayaa sheegaya in markii ninkan lagu amray inuu gaariga ka dego uu qarxay gaariga.

Siday Noqdeen Goobaha Qaruxu Ka Dhacay
Siday Noqdeen Goobaha Qaruxu Ka Dhacay
Uuradda Qaraxa Iyo Dadwaynaha Argagaxsan Oo Wadooyinka Dhooban
Uuradda Qaraxa Iyo Dadwaynaha Argagaxsan Oo Wadooyinka Dhooban

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.