Faah Faahin Qarixii ka dhacay Muqdisho iyo Halka lala beegsaday.

0

Qarax Xooggan ayaa gilgilay Agagaarka Hoteelka Safaari ee Muqdisho, kadib markii uu qarxay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay joojiyeen Ciidanka Ammaanku ka hor inta uusan qarxin.

Goobjoogayaal ka ag dhow Hoteel Safaari ayaa u sheegay HornAfrik inay ka maqlayaan AgagaarkaHoteelka iyo Isgoyska Zoppe Rasaas hal dhinac ah oo u muuqata inay ridayaan Ciidanka Dowladda oo isku gadaamay Goobta ay wax ka dhaceen.

Khasaare farabadan ayaa soo gaaray Shacabkii ka ag dhawaa goobtaasi, Waxaana dadka inta badan ku waxyeeloobaay ay ahaayeen Shacabkii isticmaalayay Gaadiidka, iyadoo sidoo kalana ay Goobta ku taalo Boosteejo laga raaco Gaadiidka u socda Afgooye iyo Qaybo ka mida Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale Ganacsato warato ah ayaa u badan wadadaasi oo ay ka dukaamaystaan Dadka Gaadiidka saaran, Waxaana goobta uu Qaruxu ka dhacay daadsan Maydad iyo dhaawacyo.

Weeraradda Noocan ah ayaa inta badan waxaa gaysta Kooxda Alshabaab, Waxayna Weeraradan imaanayaan Maalin kadib markii ay iscasileen Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.