Alshabaab Oo Gudaha u Galay Kenya, Weerarana laga cabsi qabo inay gaystaan.

0
Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen raadinta koox ka tirsan  Al-shabaab oo la sheegay inay ka gudbeen Soomaaliya una talaabeen dhinaca  Kenya si ay u fuliyaan weeraro Argagixisanimo.
Afhayeenka ciidamada Kenya, David Obonyo ayaa sheegay inay ogsoon yihiin in kooxdaasi ay ka soo gudubtay Soomaaliya iyagoo soo maray Keynta Boni, meelaha uu weraradoodi uu ku wajahan yahayna waxaa kamid ah Lamu iyo Garisa oo u dhow xadka Kenya iyo Somalia.
 Obonyo ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabab ay isku qeybiyeen ilaa 3 koox kuwaasi oo si weyn u hubaysan.
 Booliska Kenya ayaa ka digaya in ay jiraan weeraro abaabulkoodi soo dhamaaday ay kooxahaasi ka gaysan rabaan magaalooyinka xeebta dhaca ee Kenya.
Sirdoonka Kenya ayaa ku biirinaya warbixintaan in kooxdaan aysan lahayn xarun suurta galin karta in lagu bartilmaameedsado taasi oo adkesay in la sii joogteeyo howlgalka lagu baacsanayo.
 Bishii tagtay ayay aheyd markii koox ka badan 30 Dagaalamayaal oo ka tirsan Al-shabab ay weerareen Tuulo hoostagta Lamu, halkaasi oo ay ku gowraceen afar qof.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.