Waqtiga ay bilaabanayaan ololaha doorashada Somaliland oo La shaaciyay.

0

Iyadoo dhawaan la filayo in  doorashada madaxtooyada Somaliland ay ka dhacdo deegaanada maamulkaasi,islamarkaana ay ku tartami doonaan ku dhawaad sedex xisbi ayaa la shaaaciyay waqti rasmiga ah ee ay bilaabanayaan olalaha doorashada,maadaama xisbi waliba uu olale sameyn doono muddo 7 cisho ah .

Sida ay Sheegeen Gudiga Doorashada Soomaailand Olalaha ayaa waxaa uu si rasmi ah u bilaabi doono Todbaad kadib.

Sidoo kale Waxaana maalinta ugu horeysa ee olalaha doorashada billaabi doona xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,   waxaa ku xigi doona xisbiyada Kulmiye, waxaana ugu dambeyn doono  xisbiga mucaaridka ah ee Waddani .

Ololaha Doorashadda ayaa socon doona Muddo 21 Maalmood ah, kadibna waxaa la guda gali doonaa Doorashadda Madaxtinimadda Maamulka Somaliland.

Amaanka degaanada Soomaaliland ayaa aad loo adkeeyay,  Waxaana wadooyinka lagu soo daadiyay ciidamo badan oo sugaya amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Somaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.