Wadahadalo U Bilaawday Madaxda Iskhilaafsan Ee Maamulka Galmudug

0

Shalay galinkii dambe  waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ,ka ah ee Maamulka Galmudug  ka bilaawday wadahadalo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf, ku xigeenkiisa iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaan Caasho Maxamuud Warsame Beyraqo oo la hadashay Iddaacada Dalsan ee Muqdisho  ayaa sheegtay in wadahadaladaas ay yihiin kuwo Gooni Gooni ah, kuwaas oo ka socda Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaaladaa Cadaado.

Xildhibaanad Caasho Waxay sheegtay in ay rajo wnaagsan ka qabto in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug ay xal ka gaari doonaan,  maadaama haatan si iskood ah ay u wada kulmayaan. Waxayna Walaac ka muujisay in Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ay noqdeen kuwo la kala saftay Labada Dhinac.

 

Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkan waxaa ka dhex jiray Khilaaf, kaasoo uu Madaxwaynaha Galmudug ku eedeeyay inay ka dambayso Dowladda Dhexe ee Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.