Dhagayso: Dowladda Oo Ka Cabanaysa Dhismayaasha Ku Hareeraysan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in Hay’addaha dhismayaasha ku leh Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ay dhibaato ku yihiin in Garoonku uu noqdo Mid Caalami ah oo la jaanqaadi kara Garoomadda Caalamka.

Wasiirku waxa uu sheegay in Cabasho arrintan ku saabsan ay horay u hor geeyeen Golaha Wasiiradda Somalia oo ka baaraan dagaya arrintan, Wuxuuna sheegay inaan la aqbali karin Dhismayaasha iska sii balaaranaya ee Garoonka dhinac kasta ka jira.

Wasiir Maxamad waxa uu sheegay in loo oggolaan karo oo kaliya agagaarka Garoonka Shirkadaha waxtarka u leh Garoonka, inta soo hortayna ay ka sugayaan inay go’aan ka gaaraan Golaha Wasiiradda. Wuxuuna si gaar ah u xusay Hay’adaha Qaramadda Midoobay oo markii hore Amni ahaan u soo door biday Agagaarka Garoonka, balse hadda aysan duruuftaas jirin, Wuxuu sidoo kale Wasiirku sheegay in Maqaayado iyo Goobo Ganacsi ay furteen Hay’adihii markii hore Amni ahaan u soo dagay Garoonka, taasoo ah waxaan la aqbali karin.

 

Halkan ka dhagayso Codka Wasiirka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.