Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Ciidanka Xoogga, Waa Kuma Taliyahaas,?

0

Shirka Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa lagu magacaabay Taliye Cusub oo uu yeelanayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii sida la sheegay uu Istiqaalo keenay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga, Gen Cirfiid.

Gaashaanle Sare Cabdi Jaamac Warsame Gorod oo loo dalacsiiyay Jananimo ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xooogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaana uu badalay Gen Cirfiid oo aan Lix Bilood hayn Xilkan.

Gen Cirfiid ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxay is khilaafeen Madaxda Dowladda Somalia iyo Taliska Maraykanka markii uu ka hadlay Weerarkii lagu laayay Beeralayda Bariire, taasoo uu Gen Cirfiid ku sheegay qalad dhacay inay ahayd, Dadka la laayayna uu xaqiijiyay inay ahaayeen Beeraleey aan wax xiriir ah la lahayn Kooxda Alshabaab.

Sarkaalka la magacaabay ayaa horay uga tirsanaa Ciidamadda Cirka Soomaaliya, Waxaana uu Duuliye ka ahaa mid ka mida Diyaaradihii Dagaalka ee Somalia, isagoona ka gaaray Ciidanka Cirka Darajadda Gaashaanle Sare, balse waxaa hadda loo dalacsiiyay Sareeyo Guuto. Waxaana uu sidoo kale Gorod ka noqday Wasiir Dowladii uu Madaxwaynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan.

HornAfrik waxay 24 September qortay Warbixin ku saabsan in Gen Cirfiid uu qarka u saaran yahay inuu is casilo

Taliyaha Xoogga, Gen Cirfiid Oo Qarka U Saaran Inuu Iscasilo, Ogoow Sababta,?

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.