Diyaarad Qalab Ciidan Sidda Oo Garoonka Muqdisho lagu qabtay.

0

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa lagu qabtay Diyaarad laga leeyahay Talyaaniga oo siday Hub iyo Gaadiid aan Xabaddu karin.

Sida ay ogaatay HornAfrik waxaa lagu qabtay Diyaaradan oo ah Nooca Xamuulka Qaada Qalab isugu jira:-

-2 Gaari oo aan Xabbadu karin.

-2 Gaari oo ah Kuwa Dul Banaanka ah ee Ciidanka qaada.

-Qoryaha Dashiikaha loo yaqaan oo aan la cayimin Tiradooda.

-Qoryaha Boobayaasha ah ee Dabajeexa ay Soomaalidu u taqaan oo aan iyana la cayimin Tiradooda.

-Qoryaha Fudud ee Ciidanku qaataan.

-Sanaadiiq Bastooladdo ah.

-Rasaas aad u fara badan.

-Jaakadaha iyo Koofiyadaha aan Xabaddu karin.

iyo Qalab kale.

Maamulka Garoonka ayaa u sheegay HornAfrik inaan lagu soo wargalin Qalabkan imaanshahooda, isla markaana ay taasi sii kordhisay Shakiga ah Qalabkan iyo halka loo waday. Waxaana hadda Garoonka ku sugan Saraakiil Ciidan oo Talyaani ah, iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Talyaaniga oo Dadaal ugu jira in Qalabkan lagu wareejiyo.

Talyaaniga ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya Ciidamo kooban oo lagu sheegay inay ka caawiyaan dhinaca Tababaradda Ciidanka Soomaaliya. Waxaana lagu arkaa Wadooyinka Muqdisho iyagoo wata Gaadiid Dagaal oo uu ka dul babanayo Calanka Talyaaniga.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.