Akhriso Taariikhda Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Gen Gorod.

0
Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho sanadkii 1950-kii.
Iskuulka hoose dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga  Macalin Jaamac, Dugsiga sarena waxa uu ka gallay iskuulka farsamada  gacanta ee magaalada Muqdisho.
General Gorod waxa uu ciidanka qortay 1966-dii, Dalka Ruushka ayaa tababar loogu diray 1975-tii, Wuxuuna Waxbarashada Luuqada Ruushka ka bilaabay magaalada Furanza ee dalkii la oran jiray Midowga Sofyeeti.
1977-dii wuxuu Duulimaadka Diyaaradaha ka bartay Akademiyada Karasnadaar ee Dalka Ruushka , kadibna isagoo Xidigle ah ayuu Dalka dib ugu soo laabtay. Waxaana la geeyey Xerada Ciidanka Cirka ee Balidoogle.
1980-kii waxa uu qaaday xidigtii labaad,  Waxaana loo badalay Xeradii Ciidanka Cirka ee Duleedka Kismaayo, halkaas oo uu ku bartay duulimaadyada Diyaaradaha Xamuulka Ciidanka.
1984-tii waxa uu qaatay darajada sadax xidigle waxaana loo badalay magaaladda Hargeysa. Waxuuna berigaasi duulin jiray diyaaradaha ciidanka ee loo yaqaano Biyaajo 160 oo  Talyaaniga lagu farsameeyo.
1988-dii waxaa lagu soo celiyey xerada ciidanka cirka ee Kismaayo.
Sadax bilood ka dibna waxaa loo badalay Muqdisho oo waxuu cilmi kororsi luuqadaha ah ka bilaabay machadkii la oran jiray OMC oo dowladda Maraykanka ay gacanta ku haysay. Waxuu noqday Gaashaanle Sare. Isagoo Gaashaanle Sare ah ayayna burburtay Dowladii Dhexe.
Jeneral Gorod dowladii Carte ee Cabdiqaasim Salaad ayuu ka noqday wasiirka dekadaha. Labo sano ayuuna hayay xilkaasi.
Jeneraalka wuxuu dhalay 8 Caruur. Waxuuna degan yahay magaaladda London.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.