Xildhibaan Mahad Salaad:- Farmaajo Wuu Ku Fashilmay Hogaaminta Dalka ee Golayaasha Dowladdu Ha Tashadaan.

0

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka Mida Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Maxamad C/laahi Farmaajo inuu ku fashilmay Hogaaminta Dadka iyo Dalka, Wuxuuna ku taliyay inay lagama maarmaan tahay in Golayaasha Dowladdu ay ka tashadaan toosinta Dalka.

Qoraal Kooban oo uu Xildhibaanku soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweyne Farmaajo waa ku fashilmay mas’uuliyadii loo igmaday ee Goleyaasha Barlamaanka haka tashadeen sidii talada dalka loo toosin lahaa!

1. Ismaandhaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada!

2. Qabsoomida kulanka Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo War-murtiyeedka ay soo saareen maanta iyada oo aysan joogin lagana talo gelin madaxda Dowlada Federaalka!

3. Dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee maalin waliba Soomaaliya ka dhacaya iyo sida hooseysa ee madaxda qaranku ula falgalayaan!

4. Aragti la’aanta Madaxweynaha iyo lataliyeyaashiisa ee ku aadan: dhismaha ciidan qaran, tayeynta hay’adaha dowlada, baahinta xukunka ee heer gobol, heer degmo ilaa heer tuulo, dib-u-eegista dastuurka, doorashada 2020 iyo nidaamka xisbiyada badan!

Dhamaan qodobadaan iyo kuwa kale oo badanba waxay muujinayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ku fashilmay hogaaminta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee Goleyaasha Barlamaanka haka tashadeen sidii talada dalka loo toosin lahaa.

Hon. Mahad Salad

Qoraal Mahad Salaad
Qoraal Mahad Salaad

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.