Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya”Cidkasta Oo Naga Soo Horjeeda Wadahadal Ayaan La Geleynaa”

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka fikir duwan, isla markaana ay la furayaan Wadahadal, Wuxuuna sheegay in Qorshaha Xukuumada Soomaaliya uu yahay dib u heshiisiinta iyo amniga.

Waxa uu sheegay in dalkaan Soomaaliya uu yahay mid la wada leeyahay isla markaana dowladda Soomaaliya ay wadahadal la geli doonto cid kasta oo dowladda ka soo horjeeda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli uu taagan yahay cafiskii Madaxweynaha Soomaliya uu u fidiyay dadka dowladda ka soo horjeeda.

Halkan ka dhagayso Wasiir Juxaa.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.