Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Shabeellaha Dhexe

0

Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhig ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaan ayaa ka dhacay fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin wadada Basra, gaar ahaan halka loo yaqaan Kala wareega oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihin Internet-ka Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaas lagu dilay ilaa lix Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.

Majirto wax war ah oo dhankooda ka soo baxay Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waliba Maamulka degmada Balcad.

Bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro kala duwan ka geesteen degmooyin ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.