Wasaaradda Amniga Oo Sheegtay Iney Ku Guuleysatay Xasilinta Amniga Muqdisho

0

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay iney ku guuleysatay xasilinta amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.

Afhayeenka wasaaraddaasi Axmed Maxamuud Sayid oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in laamaha amniga dalka ay ku guuleysteen sugidda amnga Muqdisho iyo sidoo kale gobollada dalka.

Carab ayaa sheegay tani ay timid kadib markii wadashaqen ay dhexmartay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha ammaanka, sidoo kalena loo baahan yahay in laga hortago wax walbo oo amniga wax u dhimaya.

Afhayeenka wasaaradda amniga Axmed Maxamuud, ayaa dhanka kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si looga hortago fal walba oo amniga wax u dhimi kara.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.