Dhagayso: Koofur Galbeed oo Amaro dul -dhigtay Siyaasiinta Ka Soo Horjeeda iyo Saxaafadda.

0

Taliska Booliska Maamulka Koofur Galbeed ayaa Siyaasiinta Mucaaradka ah iyo Saxaafadda ka shaqeysa Degaanada Maamulka Koofur Galbeed ku amray in ay joojiyaan Wararka wax u dhimaya Maamulka Koofur Galbeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed, Gen Mahad C/raxmaan Aadan oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Ciddii Maamulka ka faafisa Warar lagu dhaliilayo Koofur Galbeed ay xabsiga dhigi doonaan, islamarkaana aysan Cidna uga Cabsan doonin. Wuxuuna sheegay inaysan aqbali doonin in fowdo laga abuuro Koonfur Galbeed.

“Waxaan maqlayay jidka soo mar mara, Dad aan la xiri karin ha hadlaan oo waraysta, Adeeroow yaa waaye Dadka aan la xiri karin ee Sharciga ka sareeya, Ninkii Wariye ah ee aan aragno isagoo dad mucaarad ah Jidadka ku waraysanaya waan soo qabanaynaa,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed oo sida muuqata daliishanayay Cod Baraha Bulshadda lagu baahiyay oo la sheegay in laga duubay C/qaadir Nadaara oo ah La Taliyaha Xafiiska Raiisul Wasaaraha, balse uu Nadaara beeniyay in Codkiisii uu yahay.

Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkan waxaa jiray Siyaasiyiin ka soo hor jeeda Hogaamiyaha Maamulkaasi Shariif Xasan, kuwaas oo ugu wayn yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamad Cismaan Jawaari.

Dowladda Somalia ayaa lagu eedaynaaya inay gadaal ka taagan tahay Kacdoonadda ka dhan ah Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyadda Somaia, balse Dowladda laga hayo Wax war ah oo arrimahan ku saabsan.

Halkan ka dhagayso Codka Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.