Horjooge Xero Qaxooti Oo Muqdisho Lagu Dilay.

0

Dableey Bastoolado wadatay ayaa Salaadii Maqrib ka dib  Degmada Deyniile ku dishay Nin Guddoomiye ka ahaa Xero ay degen yihiin Dad Barakacayaal ah oo ku taalla  Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Dayniile.

Ninka la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay Cabdi Nuunow,waxaana la sheegay in ay dileen Dableey hubaysan, kuwaas oo markii ay Dilka gaysteen kadib kaxaystay Gaari Spacio ah oo uu watay Marxuumku. Waxaana ay u galeen Jidka xilli uu ku socday Gurigiisa.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa Ergaddii Baydhabo ku soo xushay Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia. Waxaana Ergadda iyo Odayaasha soo xulay Baarlamaanka ugaarsada Kooxda Alshabaab.

Dilkan ayaa imaanaya xilli ay Maanta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Somalia sheegatay inay xasilisay Caasimadda Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.