Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Soo Bandhigay Tirada Guud Ee Cod Bixiyeyaasha (Akhriso).

0

Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tirada guud ee cod bixiyeyaasha doorashada Madaxtooyada ee dhici doona 13  November ee bisha soo socota.

Shir jaraa’id oo uu Guddiga ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay ku shaaciyeen tirada laga diiwaan geliyay gobolada iyo magaalooyinka Somaliland ee codeyn doona, kuwaas oo gaaraya  704,089, oo ah dadkii qaatay kaararka aqoonsiga ee cod bixiyeyaasha.

Olole doorasho oo aad u kulul ayaa xilligan ka socda magaalooyinka iyo deegaanada Somaliland, iyadoo musharaxiinta saddexda xisbi ee Wadani, Kulmiye iyo Ucid ay ku guda jiraan ololahoodii u dambeeyay.

Halkan hoose ka akhriso:-

Komishanka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.