Akhriso Heshiis Hor Dhac ah Oo Kismaayo Ay Ku Gaareen Madaxda Maamul Gobolleedyada.

0

Madaxda Maamul Goboleedyadda ee ku shirsanaa Labadii Maalin ee la soo dhaafay Kismaayo ayaa ku heshiiyay Qodobo hor dhac ah.

Xubno ka mida Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ayaa HornAfrik u Xaqiijiyay in ay jiraan Qodobo dhowr ah oo ay isku raaceen Hogaamiyaasha ku shirsan Kismaayo, islamarkaana ay jiraan Qodobo aan weli la isku Afgaran oo ka doodistoodu socoto.

Qodobada Qaar ee Madaxda Maamul Gobolleedyadu isku raaceen  waxaa ka mida:-

1- In la aas aaso Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada

2- In Sanadkiiba ay mar kulmaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,iyadoo Kulankaas lagu qaban doono Magaalo uu ka taliyo mid kamida Maamulada.

3- In Madaxda maamul Gobolleedyada ay iska dhex doortaan Hogaan, Hogaankaas oo aan weli la caddeyn, balse Qodobkaas ay weli doodiisu socoto.

4- Qodobka Afraad waxaa uu sheegayaa in Golaha ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada uu u taagan yahay Xalinta Khilaafaadka oo Madashaas ay xalin doonto haddii Labo Maamul uu Khilaaf soo kala dhex galo.

5- Qodobka Shanaad ee ay isku Afgarteen Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada waxaa ka mida in Qodobada ka soo baxa Shirkooda ay la wadaagaan Dowladda Dhexe oo Muqdisho loogu keeno iyo in sidoo kale loo bandhigo Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada.

6- Qodobka Lixaad ayey isku raaceen in Guddi ay u saaraan Khilaafka Xoogan ee ka dhex jira Madaxda Maamulka Galmudug.

Maanta ayaa la filayaa in Madaxda Maamul Gobolleedyada ee ku shirsan Kismaayo ay soo gaba gabeeyaan Shirkooda, kana soo saaraan War-murtiyeed ay ku heshiiyeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.