Nin Loo Haysto Inuu Abaabulayo Afgambi Ka Dhan Ah Galmudug Oo Lagu Xiray Cadaado.

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabad-Sugida Galmudug ay Xabsiga dhigeen Liibaan Shuluq oo loo haysto inuu qalqal galinayay Ammaanka Galmudug, abaabulayna Afgambigii dhicisoobay ee Cadaado.

Liibaan Shuluq oo ka mid ahaa Maleeshiyaadkii Gaalkacyo, ka hor intii aan la dhisin Maamulka Galmudug ayaa lala xiriirinayaa inuu wax ka abaabulay Afgambi la isku dayay in lagu rido Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf oo aan suuragalin. Waxaana uu sidoo kale qal qal galiyay Ammaanka Cadaado, Isagoo lagu eedeeyay inuu Maleeshiyaad aan Galmudug ahayn soo galiyay Cadaado si ay fowdo u abuuraan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.