Faah Faahin Dheeriya oo ka soo baxaysa Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax xoogan goordhow uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fogfog laga hago ayaa lala eegtay darbi kamid ah dhismaha dheer ee isbiaalka Digfeer.

Ciidamada Somalida iyo kuwa Turkida ee ilaalisa Isbitaalka ayaa durbaba usoo baxay banaanka, waxeyna isku gedaameen halka qaraxa uu ka dhacay iyagoo sameeyay baaritaano xoogan oo aan dad lagu soo qaban.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.