Agaasimaha Hey’adda Socdaalka oo kormeer ku sameeyay howlaha garoonka Boosaaso

0

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaasimaha ayaa kormeer ku sameeyay howlaha Socdaalka ee garoonka diyaaradaha Boosaaso, isagoo la kulmay shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maamulka Puntland

 

Mr Koofi ayaa ku ammaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, isagoo kula dar daarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay dadaal ugu jirsto sidii loo horumarin lahaa howlaha socdaalka ee garoomada dalka, iyo sidii loo geyn lahaa qalab casri ah oo ay ku howl galaan.

Tan iyo markii uu G/sare Koofi uu qabtay Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaa uu howlaha shaqo ee hey’adda ku sameeyay horumar iyo dardar gelin, iyadoo hey’adda ay xilligan u howl gasho qaababka ay u howl galaan hey’adaha socdaalka adduunka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.