Wasiirka Amniga Iyo Taliyaha Booliska Oo Ay Su’aalo Waydiiyeen Guddiga Amniga Baarlamaanka Somalia.

0

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamad Abuukar Isloow iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Gen C/xakiin Daahir Saacid ayaa Maanta hortagay Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Su’aalo ka waydiiyay Xaaladda Amni ee Dalka, iyo Weeraradda Alshabaab ee sii kordhaya.

Guddiga Amniga ee Baarlamaanka waxay waydiiyeen Wasiirka iyo Taliyaha waxa loo xakamayn la yahay Ammaanka Muqdisho iyo Guud ahaan Dalka, Dilalka ku soo kordhay Caasimadda, iyo Habacsanaanta Hay’adaha Amniga, Waxayna Wasiirka iyo Taliyaha u sheegeen Xildhibaanadda Guddiga Amniga inay wax badan u qabsoomeen, isla markaana ay wali jireen caqabado ay ku hawlan yihin Xalintooda.

 

Sidoo kale waxaa Wasiirka Amniga wax laga waydiiyay Dad ay sheegeen inay u soo qabteen Weerar ka dhacay Xamarwayne, kuwaasoo laga dalbaday Wasiirka iyo Taliyaha inay faah faahin ka bixiyaan Cadaymaha ay sheegeen inay hayaan, Balse Wasiirka iyo Taliyuhuba ma aysan bixin faah faahin rasmiya oo arrintan ku saabsan, Waxayna ka codsadeen Guddiga in la siiyo Waqti, si ay u helaan Natiijadda Baaris ay sheegeen inay socoto.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, C/Kariin Xaaji Cabdi Buux, oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in Kulankaasi looga hadlayay Ammaanka Dalka, si gaara Amniga Caasimadda, balse ma uusan bixin faah faahin intaas ka badan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.