Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Kismaayo ka furmay.

0

Shirka madaxda maamul goboleedyada ayaa si rasmi ah uga furmay goordhow  magaalada Kismaayo kadib markii ay halkaasi gaareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle oo ay ku wehliyaan Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Maamuladaasi ayaa xaadiyey Guriga Martida oo Shirkaasi ka bilawday.

Amaanka Guriga Martida ayaa la adkeeyey, waxaana Magaalada Kismaayo Caawo lasoo sheegayaa in lagu arkayo Ciidamo fara badan oo katirsan kuwa Jubbaland, wararku waxa ay sheegayaan in Qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo Caawa la xiray Goobaha Ganacsiga si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada Dadka ku sugan Xaafadaasi.

Shirkaan Waxaa Daah furay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Madoobe) oo ka hadlay Muhiimadda Shirkan uu leeyahay iyo Ujeedada Gogosha uu u dhigay Dowlad Goboleedyadda.

Sidoo kale Waxaa Madasha ka hadlay iyaguna Madaxwayne Goboleedyadda Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle. Waxaana la filayaa in bari la soo gabagabeeyo Shirkan.

Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaan qayb ka ahayn Shirkan, Waxayna tani muujinaysaa in Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadda Xubnaha ka ah uu sii kordhayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.