Madaxwayne Xaaf oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Kismaayo+Sawiro

0

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmad Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka dagay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Jubbaland, halkaas oo ay Garoonka ku soo dhaweeyeen Madaxwaynayaasha Jubballand iyo Koonfur Galbeed, Axmad Madoobe iyo Shariif Xasan.

Xaaf oo hogaaminiyay Wafdi ballaaran oo isugu jira Xubnaha Maamulka Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka uga hortagay Madaxwaynayaasha Axmad Madoobe, Shariif Xasan, Xildhibaanadda laga soo doorto Jubbaland, Guddiga Qabanqaabadda Shirka Dowlad Goboleedyadda Kismaayo, iyo Kumanaan Dadwayne ah.

Madaxwayne Xaaf ayaa loo suray Ubax qoorta, kadibna waxa uu mid mid u gacan qaaday Masuuliyiintii soo dhawaysay.

Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf ayaa imaanshihiisa Kismaayo iyo ka soo dhex muuqashadda Shirka Madaxda Maamul Goboleedyadda waxay dhabar jab ku tahay Dowladda Somalia oo isku dayday inay xukunka ka tuuraan, Waxaana taasi ay ka dhigtay Saamayntiisa mid laga dareemay Siyaasadda Somalia.

Soo dhoweynta Madaxweyne Xaaf ee Kismaayo ayaa waxay direysaa fariin garab-istaag oo Maamul goboleedyada ugu muujinayaan sharcinimada xilkiisa, kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug  oo ay Dowladda dhexe taageerayso sheegeen inay xilka ka qaadeen.

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabelle, ayaa isna soo gaaray Kismaayo.

Soo Dhawayntii Xaaf
Soo Dhawayntii Xaaf
Xaaf Iyo C Rashiid Xidig
Xaaf Iyo C Rashiid Xidig
Xaaf Iyo Shariif Xasan
Xaaf Iyo Shariif Xasan
Xaaf Oo Ay Is Gacan Qaadayaan Axmad Madoobe
Xaaf Oo Ay Is Gacan Qaadayaan Axmad Madoobe
Xaaf Oo Ay La Fadhiyaan Xildhibaano
Xaaf Oo Ay La Fadhiyaan Xildhibaano
Xaaf Oo Ay Soo Dhaweeyeen Shariif Xasan Iyo Madaxda Jubbaland
Xaaf Oo Ay Soo Dhaweeyeen Shariif Xasan Iyo Madaxda Jubbaland
Xaaf Oo Qoorta Loo Suray Ubax
Xaaf Oo Qoorta Loo Suray Ubax
Xaaf, Axmad Madoobe, Iyo C Rashiid Xidig
Xaaf, Axmad Madoobe, Iyo C Rashiid Xidig
Madaxwaynayaasha Jubbaland Koonfur Galbeed Galmudug Hirshabelle
Madaxwaynayaasha Jubbaland Koonfur Galbeed Galmudug Hirshabelle
Xarunta Shirka Kismaayo
Xarunta Shirka Kismaayo

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.