Maamul-Gobaleedyada Oo Loogu Baaqay Xisaab-Celinta Lacagihii Ay DFS Ugu Deeqday

0

Ilo ku dhow Xukuumadda Federalka ayaa sheegay in Qoraal loo kala diray Wasaaradaha Maaliyadda ee Maamul-gobaleedyadda hoos yimaada Federalka oo looga dalbaday inay soo gudbiyaan Xisaab-celinta Lacagihii ay DFS ugu deeqday.

Tallaabadan ayaa ku soo beegabtay, iyadoo uu xiriirka labada dhinac xumaaday, kadib markii ay ku kala qeybsameen Khilaafkii Khaliijka.

Haddaynu eegno, Lacagaha ay DFS siisay Maamul-gobaleedyadda ayaan ahayn kuwo si siman loogu qeybiyey, waxaana Kharajka ugu badan la siiyey Maamulka Puntland, halka Lacagta ugu yar la siiyey Maamulka Hirshabeele.

Shaxda qaabka ay Xukuumadda federalka ugu qeybisay Mamaul-gobaleedyadda Miisaaniyaddaas ayaa kala ahaa:-

1-Puntland  waxaa la siiyey lacag dhan 4,675,000 oo Dollarka Maraykanka (Afar milyan iyo todobo boqol iyo todobaatan iyo shan kun oo Dollar).

2-Jubbaland waxaa la siiyey lacag dhan 2,695,000 oo Dollar (Labo milyan lix boqol iyo sagaashan iyo shan kun oo Dollar)

3-Galmudug waxaa la siiyey 1,475,000 oo Dollar ((Hal milyan afar boqol iyo todobaatan iyo shan kun oo Dollar)

4-Koofur Galbeed waxaa la siiyey lacag dhan $1,475,000 (Hal milyan afar boqol iyo todobaatan iyo shan kun oo Dollar)

5-Hirshabeelle waxaa la siiyey Miisaaniyaddii ugu yarayd, taasi oo dhan 700,000 (Todobo boqol oo kun oo Dollar).

Ugu dambeyntii, Maamulka Gobolka Banaadir oo ah xarunta DFS waxaa loo qoondeeyey lacag dhan  7,000 000 (Todobo milyan oo Dollar)

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.