Dhageyso:-Guddiga Dib u Eegista Dastuurka Ee Baarlamaanka oo ka horyimid Shirka Arrimaha Dastuurka

0

War-murtiyeed ay si wada jir ah Maanta u soo saareen Guddiyada kala ah Guddiga Madaxa Banaan Ee Dib u Eegista Dastuurka iyo Guddiga Dib u Eegista Dastuurka Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayeey uga soo horjeesteen Shirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay Magaalada Muqdisho ka fureeyso Berri oo Axad ah, islamarkaana ku beegan 08-10-2017.

Guddoomiyaha Guddiga Dib U Eegista Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo War-murtiyeedka u Aqriyay Saxaafadda ayaa sheegay in Shirkaasi uu yahay mid Caqabad iyo Dhibaato ku ah Geedi  socodka Dib u Eegista Dastuurka,waxaana uu uga digay Maamul Gobolleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ah in ay ka qeyb galaan.

Dhanka kale  Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira Ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku Gacan seyray in ay ka qeyb galayaan Shirka Dib u Eegista Dastuurka KMG Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso War Murtiyeedka Guddiga.

Halkan ka Akhriso Warmurtiyeedka oo Qoran.

Warmurtiyeedka Gudiga Dastuurka
Warmurtiyeedka Gudiga Dastuurka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.