Ammaanka Kismaayo Oo La Adkeeyay, Iyo Madaxwayne Goboleedyo kale oo ku wajahan.

0

Ammaanka Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Saakay si weyn loo adkeeyay,waxaana Magaalada lagu daadiyay Ciidamo badan oo isugu jira kuwa AMISOM iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa isku diyaarineysa Marti gelinta Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda dhexe.

Madaxweynaha Jubbaland oo Saxafadda kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu yahay mid looga hadlayo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed,balse uusan aheyn Shir lagu Hagar daaminayo Dowladda iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo  shalay tagay Kismaayo ayaa isna horay u sii joogay halkaasi.

Madaxweynayaashan ayaa ka qeybgelaya  Shirka dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo Berri ka furmaya Magaalada Kismaayo,kaas oo uu horay ugu dhawaaqay Madaweynaha Jubaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo shirkan sabab u ahaa in la qabto ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo shirkan,si meel ay isula dhigaan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Khilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.