Safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz oo is casilay

0

Saraakiil ka tirsan safararada Mareykanka ayaa HornAfrik u xaqiijiyey in uu is casilay safiirki Soomaaliya u joogay Soomaaliya Stephen sababo isaga u gaar ah .

Safirika ayaa la so wariyey inu sheegay inu gali doonto waqtigiisa nasiinada (Retirment) .

Horey waxa isu casilay safirikii ka horeeyey Stephen . Waxaana Safiirkan Stephen Schwartz ay ka wada yimaadeen Buffalo Madaxwaynaha hadda ka arrimiya Soomaaliya, Maxamad C/laahi Farmaajo oo haysta Dhalashada Dalka Maraykanka.

Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay si gaar ah uga caawisaa dowlada Soomaaliya dhismaha ciidamada iyo dhismaha dowlad goboleedyada dalka.

Iscasilaada safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli khilaaf uu ka dhex jiro dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka.

Stephen Schwartz safiirkii hore ee Soomaaliya ayaa loo dhaariyay xilkaan bartamihii sanadkii hore ee 2016,waxaana haatan si kumeel gaar ah u hayn doona xilkiisa ku xigeenkiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.