MASHRUUCA CUSUB EE DAWLADDA FEDERAALKA. “5 MAAMUL GOBOLEED & 5 BILOOD”

0
Mashruucaan waxaa lagu dejiyey hotel Jazeera Mogadishu, ujeedada waa in dhamaan dawlad goboleedyadda la hoos keeno dawladda Nabad iyo Nolol.
Waxaa Mashruucaan gudoomiye ka ah agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yasin, fuliyayaasha waa Raisul Wasaare Hassan Ali Kheyre, iyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Mr Shoole.
Ujeedada mashruucaan qeybtiisa 1-aad waa dhamaan Madaxda Dawlad goboleedyadda lagu bedelo Masuuliyiin Daacad u ah hogaanka Dawladda.
Fulinta qorshahaan ayaa la dejiyey in loo maro xubno muhiim ah oo kasoo kala jeeda dawlad goboleedyadaa, isuguna jira Xukuumadda, Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale, xubnahaa oo ka koobnaanaya 3 ilaa 5 xubnood Dawlad goboleed kasta.
Dhaqaalaha ku baxaya Mashruucaan balaaran waxaa bixinaysa Dawladda Qatar.
Hirgelinta Mashruucaan wuxuu hadda si toos ah uga socdaa 4 Dawlad goboleed, xaalad heerar kala duwan ah, Dawlad goboleedyaddaa oo kala ah Galmudug,  Koofur Galbeed, Puntland iyo Jubaland.
Dawlad Goboleedka Galmudug waxaa fulinta qorshahaanloo xilsaaray xubnaha kala ah:-
1- Senator Dhegdheer. 
2- Senator Dhegey Geele. 
3- Wasiiru Dowle Qoorqoor. 
4- Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.
Kooxda Galmudug waxaa ilaa hadda la siiyey dhaqaale gaaraya hal Million Dollar.
Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed waxaa loo xilsaaray  xubnaha kala ah:-
1- Ex Wasiir Fargeeto
2- Xildhibaan Abdifitah Geeseey 
3- Ex Xildhibaan Aden Saransoor. 
4- Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari. 
Dawlad goboleedyadda kale sida Puntland iyo Jubaland ayuu hadda qorshahooda bilaaw yahay, Xubnaha Dawladda Dhexe la jaanqaaday waxaa kamid ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Mr Camey iyo Wasiir ka tirsan Jubaland,   Maamulana Degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo, laguna magacaabo Abdirashid Janan.
Mashruucaan oo aan hadda laga bilaabin Hirshabeelle ayaa dib loogu dhigay inta laga dhameystirayo 4-ta Dawlad Goboleed kale, maadaama Madaxweynaha Hirshabeelle Mr Waare isku dhiibay Dawladda Federaalka, Hogaanka Dowladdal baa ku heshiiyey in la sii isticmaalo Maamulka Hirshabeele, kuna sii dhex shaqeeyaan Dawlad goboleedyadda kale, fulinta qorshahaan laga hirgeliyo marka ugu danbeysa maadaama Maamulka Hirshabelle yahay halka ugu fudud oo si sahlan uga fulin karaan qorshaha dawladda Dhexe.
Qorshaha fog ee ay kooxda Villa Somalia ka leedahay Mashruucaan kuma koobna beddelaadda Madaxda maamul goboleedyada balse waxay Gacan yarayaasha mashrucaan xaqiijiyeen in:-
1- Ujeedada Koowaad tahay in La Rabo inuu noqdo jidka Dowladda Dhexe u marayso ka noqoshada nidaamka Federaalka ah ee lagu heshiiyey, kuna cad Dastuurka JFS.
2- In Dowladda Dhexe hesho Madax Maamul Goboleedyo si toos ah uga amar qaata Villa Somalia oo aan ka hor imaan karin Go’aanadeeda Sax iyo Qalad.
3- In xiriirka Qatar la xoojiyo oo meesha laga saaro isku dayga Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta.
4- ugu dambeyn in Madaxda ay doonayaan inay keensadaan Dowlad Goboleedyadda ay horseed u noqdaan in dib loo soo doorto Sannadka 2020.
Qodobka saddexaad ee qorshahaan wuxuu suuragal ka dhigi karaa in Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta ka caroodaan, kadibna cunaqabateyn ku soo rogaan xawaaladaha, bangiyada, ganacsiga iyo shidaalka Soomaaliya uga yimaada Dubai, taasina ay dalka u horseeddo burbur dhaqaale.

 

Ugu dambayn Somalia waxay dhabaha saartay Wadiiqad aan lahayn Istaraatiijiyad Siyaasadeed oo xaqiijin karta Jiritaanka Qaran Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.