Dhagayso: Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Xisaabiyihii Guud ee Qaranka

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xubnaha golaha Wasiirada Soomaaliya kulankaas oo ay uga hadleen arrimo dhowr ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa kulanka Shir gudoominayay, waxana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin amniga iyo xilka qaadis lagu sameeyay Xisaabiyihii guud ee Qaranka.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa kulanka intii uu socday xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ,waxaana soo jeedisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,sida uu qabo sharciga.

Waxaa shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada,Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyagoo kaga hadlay dardargelinta howlaha horyaala Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenk Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Cabdullahi Iidaan Yoonis ayaa Warbaahinta u faah faahiyay qodobadii ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.