Weerar Xalay Ka Dhacay Boosaaso, Yaa Ka Dambeeyay Weerarkaasi,?

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay toogasho ka geystay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, iyagoo dilay qof shacab ah, halka ay dhaawaceen Sarkaal Boolis.

Koox ku hubeysnaa bastooladaha ayaa goob lagu shaaho ku dhaawacay Taliye kuxigeen Saldhigga Booliska 00 lagu magacaabo Labo Xidigle C/raxmaan Barre Saalax iyo qof kale oo rayid ahaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dableydii weerarka ka dambeysay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo markii dambe ay ciidamada ammaanka gaareen.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, qoraal ay soo dhigeen baraha Internet-ka oo ay faafisay wakaaladooda Amaq ayaa lagu sheegay inay dileen sarkaal boolis ah, halka qof kale dhaawaceen, waxaana ay tilmaameen in weerarkan ay fuliyeen xoogag taabacsan.

Daacish ayaa horay u sheegatay weeraro ka dhacay deegaanada Puntland, iyadoo bilo ka hor qaaday weerar ismiidaamin ah oo ahaa kii u horeeyay ay Soomaaliya ka fuliyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.