Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Khartoum(Sawiro)

0

Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Albashir iyo madax ka tirsan dowlada Sudan.

Ujeedada booqashada wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ayaa la xiriirta sidii loo adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa caawa kulankooda ugu horeeya yeelan doona. iyadoo kulankaasina ay ka qeyb noqonayaan wasiiro ka kala socda labada dal.

Farmaajo Oo Ka Dagaya Diyaarada Khartoum
Farmaajo Oo Ka Dagaya Diyaarada Khartoum
Madaxwaynaha Sudan Oo Sugaya Dhigiisa Somalia
Madaxwaynaha Sudan Oo Sugaya Dhigiisa Somalia

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.