Akhriso Dukumintiyo Cadaynaya in Avv Yaxye Uu Xilli Hore Iska Casilay Maxkamadda Sare ee Galmudug.

0

HornAfrik waxay heshay Nuqul ka mida Dukuminti Cadaynaya in Avv Yaxye uu iska casilay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug.

Dukumintiga ay heshay HornAfrik oo uu ku saxiixan yahay Yaxye oo ku taariikhaysan 20-06 ee Sannadkan oo uu ku socodsiiyay Madaxwaynaha Galmudug waxa uu ku cadeeyay inuu iska casilay Xilka Maxkamadda Sare ee Galmudug, sidoo kale Warqad kale oo uu ku socodsiiyay Gudoomiyaha Ururka Qareenadda Soomaaliyeed oo ku taariikhaysnayd 10-07 ee Sannadkan waxa uu Yaxye ku dalbanayaa in dib loogu celiyo Xubinimadda Ururka Qareenadda Soomaaliyeed, isagoo ku cadeeyay Warqadaas inuu Waqtigaas ka hor iska casilay  Xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Halkan Ka Akhriso Warqadda uu ku Cadaynayo Yaxye inuu iska Casilay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug.

Is Casilaad Yaxe Oo Ku Socota Madaxwaynaha Galmudug

Yaxye Oo Codsanaya In Qareen Laga Dhigo
Yaxye Oo Codsanaya In Qareen Laga Dhigo

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.