Xog: Farmaajo Oo Ku Wajahan Itoobiya Iyo Sudan, Muxuu la Xiriiraa Socdaalka Madaxwaynaha,?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah uu ku tago magaalada Khartoum ee dalka Sudan, taasoo qeyb ka ah booqashooyin uu ku tagay dalalka Gobolka.

Dowladda Sudan ayaa kol hore u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo martiqaad rasmi ah, iyadoo muddo bilo ah ay Xafiiska Madaxweynaha  taallay casuumaada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamin doono wafdi ballaaran oo ka kooban labada gole, kuwaasoo maalinta berri oo Arbaco ah u ambabixi doona magaalada Khartoum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona dhiggiisa Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, Soomaaliya iyo Sudan ayaa ah labo dal oo saaxib ah, kana dhaxeeya xiriir soo jireen ah.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in wafdi horu dhac ah ay gaareen Khartoum, si ay u sii diyaariyaan soo dhoweynta Madaxweynaha ee Khartoum.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ku hakan doona Garoonka Diyaaradaha Itoobiya, halkaas oo qaybta Madaxda ee VIP-da uu kula kulmi doono Masuuliyiin Dowladda Itoobiya ah, iyadoo Socdaalkaasna uu yahay mid qariyay, balse ay Xog Hoose ku heshay HornAfrik. Waxaana Itoobiya tagay oo howshan sii diyaariyay Agaasimaha Nabadsugidda, C/laahi Sanbaloolshe oo hadda Muqdisho ku soo laabtay.

Madaxwayne Farmaajo oo markii Doorashadda loo diyaar garoobayay ku galay Ololaha Doorashada inuu yarayn doono Safaradiisa haddii la doorto ayaa hadda lagu dhaliilaa inuu baxay February kadib illaa iyo in ku dhow 10 Safar, taasoo ka dhigan in Madaxwaynuhu uu dhinaca Safaradda waxba ka badalin habkii Madaxdii ka horaysay oo uu ku dhaliili jiray Safaradda Faraha badan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.