Somalia Oo Aan Ka Hadlin Weerarkii Bariire, Cambaaraysana Weerarkii Las Vegas.

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engilsih-ka ayaa lagu cambaareeyay Weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Las Vegas ee Dalka Mareykanka ee Sababay Dhimashada Dadka ka badan 58 Ruux iyo Dhaawaca Dad kale oo badan,  islamarkaana uu geystay Nin ka mida dadka Magaalada Las Vegas oo 64 Sano jir ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa yiri”anoo ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Ummadda Soomaaliyeed waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoysaska Dhibaneyaasha ah ee Dhibaatadu ay ka soo gaartay Weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay Magaalada Las Vegas Ee Dalka Mareykanka”.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay la wadaagayaan Xanuunka soo gaaray  Qoysaska iyo Saaxiibada  wax ku noqday Weerarkii Fulay nimada ahaa ee lagu qaaday dadkii ku sugnaa Hotel ku yaala Magaalada Las Vagas ee dalka Mareykanka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Weerarka lagu dilay dadka ka badan 50 Qof ku Tilmaamay Fal Sheydaanimo,waxaana uu sheegay in hoos loo dhigi doono Calanka Mareykanka si loo Muujiyo in Dadkii ay waxyeeladu gaartay la garab istaago.

Madaxtooyadda Somalia marna sooma hadal qaadin Weerarkii ka dhacay Deegaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose, Kaas oo lagu weeraray Xero Ciidan, Isla markaana ay khasaaro Dhimasho iyo Dhaawacba leh ka soo gaartay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Waxaana taas Badalkeeda Weerarkaasi cambaareeyay Taliska Maraykanka ee Afrika oo sheegay inay u aargudayaan Ciidankaasi, Balse Dowladdii ay Askartan Ciidanka u ahaayeen marna sooma aysan hadal qaadin.

Sidoo kale Askartii ku dhaawacmay Weerarkaasi ayaa ku dhibaataysan Isbitaaladda Muqdisho, iyagoo aan helin Daryeel Caafimaad, Mana Jirto Madaxda Dowladeed oo booqday Askartaasi si ay ugu yaraan ugu muujiyaan Dareenkooda Askartaasi Qaran,  Balse waxaa Booqday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo uu hogaaminayay Gudoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare, Abshir Bukhaari, kana mid ahaayeen Xildhibaan Cabdi Qaybdiid, Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Saabir, iyo Masuuliyiin kale oo iskood isku xilqaamay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.