Kolonyo Ka Tirsan AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay Muqdisho

0

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa  Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qarax Miino lagula eegtay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay mid ka mid gawaarida AMISOM, xilli ay marayeen nawaaxiga isgooska SOS ee degmadaasi Hiliwaa.

Lama oga khasaaraha Rasmiga ah ee ka soo gaaray AMISOM qaraxaasi, balse waxay howgal ka sameeyeen halkaasi, iyagoo muddo saacado ah hakad galiyay isku socodka gadiidka ee wadadaasi.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM  oo ku aadan qaraxaasi, balse inta badan xilliyada ay ku socdaalayaan wadooyinka Muqdisho ayaa waxa ay la kulmaan weeraro qaraxyo ah oo ay masuuliyadoodu sheegtaan Al Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.