C/xakiin Camey “Shirka Kismaayo ma ahan Shir Maslaxad u haya Umadda Soomaaliyeed” Dhagayso

0

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey oo wariyeyaasha kula hadlayay Garowe, ayaa ka soo hor-jeestay shirka Kismaayo ee uu dhowaan ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana uu ku baaqay in shirkaas dib loo dhigo.

Mr Camey ayaa sheegay in loo baahan yahay in shakiga laga qabo dowladda Federaalka laga baxo, isla markaana wixii khilaaf ee jira laga wada hadlo.

“Shirka Kismaayo ee Axmed Madoobe ku baaqay, shirkaas ra’yi ahaan ma ahan shir Masalaxad u haya Umadda Soomaaliyeed, waxaan ku talinayaa in shirkaas dib loo dhigo”ayuu yiri C/xakiin Camey.

Waxaa uu sheegay in wadada shirkaas loo marayo uu yahay wado qaldan, isla markaana aysan jecleysan doonin shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu tilmaamay in hadii ay jiraan waxyaabo lagaga cabanayo dowladda Federaalka in aan loo kala turjumin wixii jira si toos ah loo abaaro.

“Xamar ayaa la isugu tagi jiray, awalna la tagi jiran, marinka loo marayo shirkaas waa marin qaldan, wixii khilaaf ee jira halaga wada hadlo, hadii ay jiraan wax lagaga cabanayo nalooma kala turjumayo anaga iyo dowladda Federaalka, waa inaynu si toos u abaarnaa, xamar la isugu tagaa, sida awalba dhici jirtay”ayuu yiri C/xakiin Camey.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu qaato doorkiisa hoggaamineed, isla markaana maamul kasta uu ugu tagaa deegaankiisa, si wixii khilaaf ee jira looga wada hadlo.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne kuxigeenka Puntland Mr Camey ayaa khilaafaya wareysi uu Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu siiyay Idaacada VOA, kaasoo uu ku soo dhoweeyay shirka uu ku baaqay Axmed madoobe, kuna tilmaamay inuu yahay ra’yi wanaagsan in la isku yimaado, la wada hadlo, wixii ka dhaxeeya dowlad goboleedyadana ay ka wada hadlaan.

Halkan ka dhagayso Shirka Jaraaid ee Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.