Xog: Nabadsugidda Oo Aan U Hogaansamin Xilka Qaadistii Wasiirka Amniga Uu Sameeyay Axadii.

0

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamad Abuukar Isloow ayaa Xilalkii ka qaaday Taliyayaashii Nabadsugidda iyo Booliska ee Xamarwayne, Isagoo Sidoo kalana amray in la soo xiro Ciidamo ka tirsan NISA oo watay Gaari Ciidan, kuwaasoo wax yar ka hor inta uusan Dilku ka dhicin Xamarwayne la sheegay inay goobta ka dhaqaaqeen.

Nabadsugidda Qaranka ayaa si cad uga hor timid Amarka Wasiirka, Waxayna diideen inay soo badalaan Taliyihii Xamarwayne, Daauud Xeroow, oo Axaddii Wasiirka Amniga ku dhawaaqay inuu ka qaaday Xilkii Taliyanimadda Degmadaasi, Waxaana uu Daauud u wataa si caadi ah Howlihiisa Shaqo, iyadoo aysan saamayn Xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyay. Waxaana uu Xalay lahaa Heeganka Guud ee Muqdisho.

HornAfrik oo dabagal ku samaysay waxa ka hirgalay Amarka Wasiirka waxay ogaatay Daauud inuu Amaro ka bixinayo Isgaarsiinta Ciidanka, isagoo ku shaqaynaya Nambarkiisa Afgarashadda ah ee Xamarwayne, taasoo muujinaysa inaan meel laga soo qaadin Xil ka qaadistii Wasiirka Amniga.

Sidoo Kale Sanbaloolshe waxa uu si cad u diiday inuu soo xiro Baabuur Cabdi Bille ah iyo Ciidanka saaran oo ay Boolisku ku eedeeyeen inay goobta wax lagu dilay joogeen, Wuxuuna si cad ugu sheegay Wasiirka inuu faraha kala baxo Howlaha Ciidanka NISA, isla markaana aysan jirin cid soo xiri karta Ciidankiisa.

Sanbaloolshe ayaa u sheegay Taliyaha Xamarwayne in cidda xilka ka qaadi karta ay tahay isaga oo kaliya, sidaas darteedna aysan waxba ka galin Wasiir hadlay, Wuxuuna ku wargaliyay Sarkaalkiisa inuu sii wato howlihiisa

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamad Abuukar Isloow oo ay hoostagaan Nabadsugidda, Booliska, iyo Immigration-ka ayaa hadda xukuma oo kaliya Booliska iyo Immigration-ka., iyadoona Nabadsugiddu ay si cad uga hor yimaadeen inay qaataan Amaradiisa.

Taliyaha Saldhiga Booliska Xamarwayne, Xasan Duulane oo ahaa Sarkaalka Labaad ee Shalay uu Wasiirku xilka ka qaaday waxay Boolisku u hogaansameen Amarkii Wasiirka, Waxaana lagu badalay Duulane Ku Xigeenkiisii oo si Ku Meel Gaar ah u sii wada Shaqada Saldhiga Xamarwayne.

24 Saac Kadib dhamaan Amaraddii iyo Xil ka qaadistii uu sameeyay Wasiirka Amniga Gudaha waxay noqotay mid aan shaqayn. Marka laga reebo Xilka qaadistii Taliyaha Saldhiga Xamarwayne.

Xuquuqda Warka Waxay u Gaar Tahay HornAfrik

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.