Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo iyo Qof kale oo la Dilay, Kadib Toogasho ka dhacday Garoonka.

0

Nin Hubaysan ayaa lagu soo waramayaa inuu Toogasho ka gaystay Gudaha Garoonka Magaaladda Gaalkacyo.

Toogashadan oo uu gaystay Askari ka tirsan Ciidamadda Garoonka ayaa waxa uu ku dhintay Taliyihii Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf oo lagu magacaabo C/salaan Sanyare iyo Nin kale oo Magaciisa lagu sheegay isna C/risaaq Bicir.

Toogashadan kadib waxaa ka dhacay Jahwareer Gudaha Garoonka, Waxayna Ciidamadda Ammaanka Garoonka xireen dhamaan Jidadka soo gala Garoonka, iyagoo sidoo kalana ay soo gaareen Ciidamo kale oo dheeri ah, Waxaana ay ka sameeyeen Gudaha Garoonka Howlgal ay ugu dambayn ku soo qabteen Askarigii gaystay Toogashadaasi.

Maamulka Degmadda Gaalkacyo ayaan illaa iyo hadda faah faahin ka bixin arrintan, lama ogga sababta keentay in Askarigan uu toogto Taliyihiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.