Dhagayso Al-Shabaab Oo Baahiyay Codka Qofkii Isku Qarxiyay Xerada Ciidamada Ee Bariire

0

Baraha ay Wararka u faafiyaan Al-Shabaab ayaa waxa ay ku baahiyeen Magaca ninkii isku qarxiyay Xerada ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire ee Gobolka Shbeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa Magaca ninkaas waxa ay ku sheegeen Ibraahim Cabdullaahi, kuna magac dheeraa (Macalimuu), kaas oo ay sheegeen in uu isagoo wata Gaari miineysan uu isku qarxiyay Xerada Ciidamada.

In kastoo weerarkaas Jimcihi dhacay Siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa hadana Al-Shabaab  ay sheegteen in ay khasaaro farabadan ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda halka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ay arrintaasi beeniyay.

Markale ayaa la sheegay in xalay Al-Shabaab ay deegaanka Bariire ku qaaden weerar Madaafiic ku bilaawday.

Ismiidaamiye – Ibraahim Cabdullaahi Macalimu Gaaljecel hornafrik

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.