Dhagayso: Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Oo Diiday In Xilka Laga Qaaday.

0

Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Xil ka qaadis ay xalay sheegeen inay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug, iyadoo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug ay faraha ka sii baxeyso.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in qaab aan sharci aheyn loo maray xil ka qaadistaas, isagoo tilmaamay in dadka la isugu keenay ay ahaayeen shacab koofiyado loo geliyay.

“Sideedaba waxaa xilka la isaga qaadaa sharciyad, meesha waxaa la isugu soo uruuriyay dad shacab ah oo la dhahay xildhibaano ayaa yimid oo xilka ka qaaday, warkaas waa waxba kama jiraan waana ruwaayad”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad, Xareed Cali Xareed oo shir guddoominayay kulanka xilka looga qaaday uu ahaa nin xilkiisa mar hore laga qaaday, isla markaana uu yahay uu ku kooban yahay oo kaliya Xildhibaanimo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa labo garab u kala jabay, waxaana ay qaadayaan tallaabooyin iska soo hor-jeeda oo xil ka qaadis ah.

Halkan ka dhagayso Codka Gudoomiyihii  Baarlamaanka Galmudug ee Xilka laga qaaday.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.