Akhriso:-Golaha Wasiirada Galmudug Oo Taageeray Xilka Ka Qaadistii Madaxwayne Xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

0

Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee dowlad Hoboleedka Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkaas kulankaas oo laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaalada Siyaasadeed ee Galmudug ka jirta.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa kulanka shir gudoominayay waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin faragelin ay sheegeen in dowladdu ku heyso Galmudug kulanka ka dhacaya Kismaayo iyos sidoo kale Go’aankii Xildhibaanada Galmudug qaarkood ay sheegeen in ay xilkii uga qaadeen Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Hoos Ka Akhrio Qodobadii ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirada.

1.In ay si buuxdo u ayideen go’aankii Barlamaanka DGGM 30-09-2017 ee ka dhacay Xarunta KMG ee Cadaado.

2.Golaha Wasiirada waxaa ay ayidayaan go’aanka Maxkamadda Sare Galmudug ee ka qadatay kooxdii afgambiga dhicisoabay soo abaabushay ee ay ugu yeertay in ay sharciga horyimaadaan.

3.Golaha Wasiirada waxa ay ka digayaan cawaqib xumada ka dhalan karta in kooxdii laga soo abaabulay villa Somalia ay soo saaraan go’aano kale kuwaas oo qalqalin kara amniga.

4.Golaha wasirada waxa ay soo dhaweynayaan gogosha Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland u fidisay Dowlad Goboleedyada si looga wada xaajoodo xaladaha adag ee siyasadeed ee dalku uu wajahayo kuwaas oo dib u dhac ku keeni kara qorshoyaalkii horumarineed ee la hiigsanayey.

5.Dowlada Federalka ee Soomaaliya waxaa uu goluhu u soo jeedinyaa inay ilaaliso hanaanka federaal-ka dalka islamarkaana ay ka shaqeyso xasilooni siyaasadeed taas oo dalka u horseedi karta horumar iyo midnimo.

6.Golaha Wasiirada waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka IGAD ee wada hadalka ASWJ iyo Galmudug iyadoo laga codsanayo in la dadajiyo si midnimada iyo wada jirka bulshada Galmudug loo gaaro.

7.Golaha Wasiirada waxa ay ugu baqayan Dowladda Dhexe iyo saxiibada Dowlad Goboleedyada in Galmudug lagu taageero hannaanka sharciga iyo kala dambeenta, isla-markaana ay tixgaliso tabashada Dowlad Goboleedyada Dalka.

8.Urur Goboleedka IGAD, AU, UNSOM iyo dhammaan saxiibada beesha caalamka waxaa laga codsanayaa inay laba jibaaran taageeradooda Soomaaliya, iyadoo weliba dalka uu ku jiro xaalad adag ee abaareed.

9.Saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha Galmudug waxaa looga digayaa sii deynta warar kasta oo abuuri kara xiisad siyaasadeed ama amni daro, isla-markaana ka soo horjeeda siyaasada dowladda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.